MOGADISHU – Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar TB2 ee dalka Turkiga ay ka qeyb qaadanayaan howlgallada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab ee ka socda bartamaha Soomaaliya.
Fiqi oo wareysi siiyay TV-ga Universal ee Soomaaliya ayaa sheegay in Mareykanka iyo Turkiga ay ka taageerayaan dhanka cirka si looga hortago weerarada Al-Shabaab ee ka dhanka ah ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya, xilli ay sii wadayaan howlgalada ay dib ugu qabsanayaan deegaanada baadiyaha ah ee gobolada Galgaduud iyo Hiiraan.
“Markii la arkay in dadka Soomaaliyeed ay dagaalami karaan, waxaa taageero u muujiyay dalal dhowr ah oo uu ku jiro Mareykanka oo weerar cirka ah ka geysta mar kasta oo cadowgu hal meel isugu yimaado,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi. “Turkigu wuxuu ku soo biiray dagaalka isagoo taageero xagga cirka ah siinaya Ciidamada Soomaaliya halka dawladaha kale ay bixinayaan taageero sirdoon.”
comments (0)