Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa maanta ka furmay shir u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo hay’adda lacagta adduunka ee IMF oo looga hadlayo dib u eegista iyo horumarinta maaliyadda dalka.
Kulanka ayaa lagu lafa guray heerka siyaasadda dhaqaalaha iyo dib u habeynta Soomaaliya.
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in kulanka looga hadlay xoojinta dhaqaalaha dalka mustaqbalka dhow.
Wasiirka ayaa u mahad celiyay dhammaan hay’adaha dowladda ee ka soo qeyb galay kulanka, sida Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Bankiga Dhexe, Xafiisyada Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha.
comments (0)