R/Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa shaqo joojin ku sameeyey Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xildhibaan Maxamed Khaliif Diiriye.
Qoraal ka soo baxay xafiiska RW Khayre ayaa waxaa la ogeysiiyay hay’addaha dowliga, iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmajo in shaqo joojin lagu sameeyay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha.
Weli lama xaqiijin sababta dhabta ah ee ka dambeysay shaqo joojinta Xildh. Maxamed Khaliif diiriye balse waxaa jira warar sheegaya in shaqo joojinta ay la xiriirto ragii dhowaan lagu qabtay eeraboorka muqdisho ee lagu eedeeyay ka ganacsiga dhaqida lacagta madoow ee Loo Yaqaan “Black dollar”.
Waa wasiirkii labaad ee ka tirsan xukuumada uu RW Khayre Shaqo joojin ku sameeyay arrima la Xiriira Musuq-maasuq Awgeed.
comments (0)