Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Khaliif Cabdi Cumar ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dawladda Turkiga u qaabilsan Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz oo sidoo kale na uu wehelinaayey safiir ku xigeenkiisa Danjire Ismail Emre kosif, waxaana ay ka wada hadleen xoojinta xidhiidhka ganacsi ee Soomaaliya iyo Turkiga, fududeynta ganacsiga iyo isku-dheeli tiridda ganacsiyada ay is-waydaarsadaan labada wadan isla-mar-ahaantaana kor loo qaado ganacsiga Soomaaliya u dhoofiso wadanka Turkiga.

Wasiirku, wuxu si gaara uu safiirka uga codsaday in ganacsatada Soomaaliyeed loo fududeeyo siddii ay wax-soo-saarka dalka ay ugu dhoofin lahayd wadanka Turkiga. Waxa kale oo ay isla soo hadal qaadeen in la dhammeystiro heshiiska TEPA ee u dhaxeeya dawladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

About The Author editor-in-chief

comments (0)

Your email address will not be published.

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>