Talaado, Juun 21, 2016 (MGQ) — Wasiirka Ganacsiga Somalia, C/rashiid Maxamed Axmed, ayaa shaca ka qaaday in Wasaaradda Ganacsiga ay Qaadeyso Tallaabooyin lagu hubinayo tayada Badeecadaha ay Soomaaliya keenaan Ganacsatada Soomaaliyeed.

Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hadlayay munaasabad xarigga looga jaray Terminaal cusub oo loo sameeyay Dekadda Magaalada Muqdisho kaasi oo lagu keydinayo alaabta laga soo dejiyo degkadda muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay in badeecadaha laga dhoofiyo Dalka iyo kuwa loo soo dhoofiyaba ay ku wareejiyeen hubintooda Sharikad dhowr xarumood ku leh dalal gaaray 30 wadan balse xarun ku leh gudaha Dekadda Muqdisho taas oo uu sheegay in ay la socon doonto Badeecadaha imanaya iyo kuwa ka baxaya Dalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan ku qabatay Muqdisho Raashin dhacay oo ay lahayd Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobey WFP, Taasi oo loo waday Gobolka Gedo ee Soomaaliya. 

About The Author editor-in-chief

comments (0)

Your email address will not be published.

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>