Turkiga ayaa sahamin ku sameynaya mashaariic cusub oo maalgashi oo laga dhisayo maamul goboleedka Galmudug ee bartamaha Soomaaliya, sida uu Talaadadii sheegay ergayga Turkiga ee Soomaaliya.

Wafdi uu hogaaminayo Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya Alper Aktas ayaa markii ay gaareen magaalada Dusmareeb ee Caasimadda Galmudug waxa ay kulamo la qaateen Madaxweynaha Maamulkaas Axmed Cabdi Kaariye oo ay wehliyaan Golihiisa Wasiirada.

Waxa ay ka wada hadleen sidii loo hirgelin lahaa mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha ee dowlad goboleedka Galmudug iyo doorka maalgashiga Turkiga.

“Waxaan la yeelanay wadatashiyo wax ku ool ah oo ku saabsan tillaabooyinka loo qaadi karo taaba gelinta kaabayaasha loo baahan yahay horumarinta Galmudug iyo doorka maalgashiga Turkiga ee hannaankan,” ayuu Aktas ku yiri hadal uu soo saaray safaaradda Turkiga ee Muqdisho.

Turkiga oo saaxiib dhow la ah Soomaaliya muddo dheer, wuxuu maalgeliyay dhinacyada waxbarashada, kaabayaasha iyo caafimaadka, isagoo sidoo kale bixiyay gargaar bani’aadamnimo oo ballaaran.

Turkiga ayaa sidoo kale ku leh magaalada caasimadda ah ee Muqdisho xaruntii ugu weyneyd oo ay ku tababaraan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

About The Author editor-in-chief

comments (0)

Your email address will not be published.

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>