Su’aashu isweydiinta mudan waxa ay tahay, haddii la soo saaro shidaalka Soomaaliya Maxay ka beddali kartaa nolasha bulshada Soomaaliyeed?

Waxaa jirta aragti suuqa ku dhex jirta oo ay inta badan ku doodaan dadka aaminsan in la joogo xilligii ay Soomaaliya soo saaran lahayd shidaalkeeda.

Aragtidaas waxa ay leedahay, haddii la soo saaro khayraadka Soomaaliya waxa ay wax badan ka beddali doontaa nolasha bulshada Soomaaliyeed, waxa ayna yareyn kartaa khilaafka Soomaalida. Balse, taasi sida loo yiri mise sida ay wax noqon doonaan!

Run ahaantii aragtidaasi dad badan ayaa qabin una arka in ay tahay mid lagu marin habaabinayo bulshada Soomaaliyeed.

Ku tiirsanaanta dhoofinta khayraadka dabiiciga sida dhoofinta shidaalka waxa ay sabab u noqon kartaa in dalka uu gaari waayo horumar dhanka warshadaha.

(collier) 2007 waxa uu ku doodday “dhoofinta khayraadka dabiiciga, iska daa in ay wax ku kordhiyaan dhaqaalaha waddanka, waxa ayna ka qeyb qaadan karaan caqabadaha ka hor istaagi kara dalka in uu xaqiijiyo horumar dhaqaale.

Sanadkii 2013 qoraal ka soo baxay wasaaradda horumarinta caalamiga ee dalka Ingiriiska, waxa ay ka digtay soo saarista shidaalka Soomaaliya in ay sii hurin karto musuq-maasuqa iyo khilaafka Soomaalida.

Sahminta shidaalka Soomaaliya waxa ay u badan tahay in ay kiciso xiisad siyaasadeed, taas oo horseed u noqon karta dib usoo cusboonaanshaha colaadda Soomaaliya.

Hadii dibadda loo soo saaro shidaalka Soomaaliya, kadibna shacabku ay ku fashilmaan u dhug-yeelashada iyo la socodka musuq-maasuqa, maasuqaas waxa uu noqon doonaa sumad ama calaamad dusha kaga sawiran tahay siyaasi walba oo talada waddanka hayn doona, xaalkuna wuxuu noqonayaa “waraabe hilbo ku raro”.

About The Author editor-in-chief

comments (0)

Your email address will not be published.

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>