Bankiga Adduunka ayaa Khamiistii ku dhawaaqay in 100 milyan oo dollar uu siin doono Soomaaliya 12-ka bilood ee soo socda si wax looga qabto arrimaha mudnaanta u leh dowladda.

Ku dhawaaqista ayaa timid kadib markii agaasimaha bangigaasi Kristina Svensson ay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka kula kulantay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa ay ka wada hadleen xoojinta wada shaqeynta Soomaaliya iyo Bankiga, sida uu sheegay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed.

Taageeradan ayaa imaanaysa iyadoo dalka Soomaaliya ay xiligan ka jirto mid ka mid ah abaarihii ugu xumaa ee soo mara muddo 40 sano ah taasoo barakicisay boqolaal kun.

In ka badan 7.1 milyan oo Soomaali ah, oo ku dhow 50% dadka, ayaa wajahaya gaajo aad u daran, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Ku dhawaad ​​800,000 oo qof ayaa lagu qasbay in ay ka barakacaan guryahooda tan iyo 2021 iyaga oo u raadinaya cunto iyo biyo xoolahooda.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud, oo bishii hore la doortay, ayaa mudnaanta koowaad siiyay abaarta, wuxuuna ku baaqay in si degdeg ah loo taageero Soomaaliya, si loo baajiyo macluusha.

About The Author editor-in-chief

comments (0)

Your email address will not be published.

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>