Shirweynaha Golaha Ganacsiga iyo Maalgashiga Soomaaliyeed oo ku soo gabagaboobay Jabuuti

Waxaa maanta 8 August lagu soo gaba gabeeyeyay Hotel Kempinski ee magaalada Jabuuti , shirkii gudiga maamulka ee Golaha Ganacsiga iyo Maalgashiga Soomaaliyeed. Shirkaas oo socday mudo laba maalmod ah waxaa kasoo qeybgalay ganacsatada ugu waaweyn ee Somalia kuwaasoo ka kala yimid meelo kala duwan , sida Dubai, Somalia, Kenya, South Suudaan iyo meelo kale.

Sidoo kale waxaa shirka kasoo qeybgalay Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Maxamuud Abdi Ali Gabayre , Gudoomiye ku xigeenka Rugta Mudane Abdirashiid Ali Ainashe iyo Agaasimaha guud ee rugta oo kasoo wada laabtay safar shaqo oo ku tageen wadanka Mareykank.

Inta uu socdo shirkaan waxaa looga hadli doonaa sidii loo hormarin lahaa ganacsiga Soomaaliyeed. Dhanka kale waxaa laga dhageystey warbixin ku saabsan waxqabadka ururka ee sadexdi sano ee lasoo dhaafay taasoo aay soo jeediyeen Gudoomiyaha golaha Sheikh Axmed Ali Jumale, Gudoomiye ku xigeenada ururka , Abdirashiid Haybe Dubad, Abdullahi Warsame Jama iyo xoghaya guud ee golaha Abdullahi Nur Osman.

Gelinkii danbe ee shalay waxaa la qabtay doorashada hogaanka ururka waxaana mar kale loo gudoomiye Sheikh Axmed Ali Jumale, labada ku xigeeena waxaa loo doortay Abdirashiid Haybe Dubad iyo Abdullahi Warsame Jama.

Dhanka kale gudiga maamulka ee golaha waxaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele , waxaana uu goluhu. Uga mahad celiyey madaxweynaha Jabuuti taageeradiisa joogtada ah ee uu taageero dadka Soomaaliyeed iyo golaha ganacsigaba, wuxuuna madaxweynaha balan qaadey inuu halkiisi kasii wadi doono taageeradii uu la garab taagnaa Golaha Ganassiga iyo Maalgashiga Soomaaliyeed Shirka waxaa lasoo gaba gabeeyey maanta.

 

 

 

 

About The Author editor-in-chief

comments (0)

Your email address will not be published.

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>