Shirkad lagu magacaabo Sahal Hospitality Services oo dhowaan bilowday in Basas uga qaado agagaarka Isgoyska KM4 dadka ka dhoofaya Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa maanta lacago ku soo rogtay rakaabka ka dhoofaya garoonka, iyadoo lacagahan ay ka baxsan yihiin Ticket-ka shirkadaha diyaaradaha.
Shirkadan oo markii hore adeegeeda ku bilowday si lacag la’aan ah in dadka Basas uga qaado xarun ay ku leedahay meel u dhow halka Ciidamada Nabadsugida u taalo Koontaroolka agagaarka isgoyska KM4 una geyneyso garoonka diyaaradaha Muqdisho sababo amni awgeed ayaa maanta la soo baxday waji cusub, iyadoo lacago ku soo rogtay.
Wararka ayaa sheegaya in shirkaddan ay markii hore ku howl bilowday in qaab amni ahaan, oo dadka ka dhoofaya garoonka lagu soo baarayo agagaarka Isgoyska Km4, waxaana jirin xiriir ka dhaxeeya shirkaddan iyo laamaha amniga garoonka, maadaama dadka ay ka soo qaadeyso xarunteeda baaritaan hor leh lagu marsiinayo afaafka hore ee garoonka iyo gudaha garoonka.
Ciidamada ku sugan barta Koontaroolka ee Isgoyska KM4 ayaa dadka ku amraya dadka u socda Garoonka diyaaradaha inay ka degaan Gaadiidka gaarka ay wataan, isla markaana galaan xarun Shirkadda SHS basas uga qaado dadweynaha ka dhoofaya garoonka, halkaasoo baaritaano ku maraya.
Dadka galaya xarunta shirkadda ay basaska uga qaado oo ah Garaash ayaa maraya baaritaan oogada iyo agabka ay wataan, waxaana baaraya Eeyo, waxaana intaas kadib loo dirayaa meel laga goosto Ticket lagu raaco Baska, halkaasoo lagu fiirinayo Ticket-ka diyaaradda uu raacayo gudaha iyo dibadda.
Qofka gudaha dalka u socda ee sita Ticket gudaha dalka ah waxaa laga qaadayaa $6 (Lix Dollar), halka qofka sita Ticket dibadda ah laga qaadayo $11 (kow iyo toban dollar), arrintan oo ah mid dadka layaab ku noqotay, isla markaana ka baxsan qiimaha Ticket-ka caadiga ah ee qofka ku dhoofayo.
Basaska ka soo qaadaya dadweynaha agagaarka Isgoyska KM4 ayaa lagu daadinayaa afaafka hore ee garoonka diyaaradaha, halkaasoo mar kale baaritaan dheeraad ah oo ka duwan kii markii hore lagu soo baaray inta aanay basaska ka soo raacin xarunta ku dhow Isgoyska KM4.
Shirkaddan ayaa si lama filaan ah dhuu-dhuub dadka ku gashay, iyadoo markii hore dadka u sheegi jirtay in lacag la’aan ah dadka basaska ku raacayaan, loona geynayo garoonka diyaaradaha, lagana soo qaadayo.
Hase ahaatee waxa durbaba muuqanaya in macaash raadis iyo dhaqaale doon ay tahay, halkii hore dadweynaha ay qabeen dhibaatooyin dhaqaale.
Shirkadaha Duulimaadyada ayaa dhowaan diiday lacago kor-saar ah oo Ticket-ka Gudaha iyo Dibadda ah, taasoo looga dan lahaa in dadka si farsameysan looga qaado lacagta basaska lagu qaado ee lagu geeyo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
Laakiin markii ay diideen shirkadaha duulimaadyada, ayay ku dhiiratay shirkadda SHS in ay sameysato warqad ama boono gaar ah oo dadka basaska raacaya loo jarayo, kaasoo ku qoran qiimaha qofka u safraya dibadda iyo kan u safrayo gudaha.
Dadweynaha ka dhoofaya garoonka diyaaradaha ayaa durbaba arrintan walaac iyo cabasho ka muujiyay, isla markaana baaritaan badan ay marayaan, lacagta baska lagu raaco ee inta u dhaxeysa KM4 iyo Garoonka diyaaradaha oo ay u sii dheer tahay lacagaha gaadiidka gaarka ka soo qaada xaafadahooda.
Maamulka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa arrintan wali ka hadlin, waana arrin dad badan layaabeen in dadka ka dhoofaya garoonka diyaaradaha Aadan Cadde in lacago ka baxsan Ticket-ka shirkadaha Duulimaadyada laga qaado.
Shirkadda SHS ayaa la sheegayaa inay lug ku leeyihiin Mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda, kuwaasoo muddooyinkan ku cadaadinayay Maamulka garoonka diyaaradaha inay howl gasho, waxaase tani ka mid tahay farsamooyin cusub oo ah Isbaaradii oo loo yeelay qaab sharciyeysan.
(By an Affiliate)
(Som Digital media Associated Press Alliance)
comments (0)