MUQDISHO, Somalia – Baarlamaanka Soomaaliya ayaa meel mariyay sharciga maalgashiga Soomaaliya 2024 si loo soo jiito maal-gashiga shisheeye, loo dhiiragliyo kobaca, iyo shaqo abuurka.
Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Mohamud A. Sheikh Farah (Beenebeene), ayaa uga mahadceliyay Golaha Shacabka, gaar ahaan Xubnaha Guddiga Dhaqaalaha, Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga, ansixinta sharcigan muhiimka ah.
Sharcigan wuxuu sidoo kale xoojin doonaa maalgashiga gudaha iyo dhismaha hay’ad ka shaqeysa kor u qaadista fursadaha maalgashi ee dalka.
Somaliya waa meesha dunidu u ordayso inay maalgashato, Shirkado ay ka mid yihiin Coca Cola, Turkish Airlines, Apple, Samsung iyo Africa Oil ayaa mar horeba ka furtay dalka dukaamada, warshado iyo xafiisyadooda.
comments (0)