Jigjiga-  Allaha u naxariistee weriye Axmed Xasan Cawke ayaa shalay ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee ismaamulka Soomaalida Ethiopia. 

Allaha u naxariistee weriye Axmed Xasan Cawke oo ka mid ahaa weriyayaasha ugu caansanaa kuwa Soomaalida ayaa shalay ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee ismaamulka Soomaalida Ethiopia.

Axmed Xasan Cawke oo ka tirsanaan jiray weriyayaasha ugu caansanaa Somalia ayaa waxaa kusoo booday xanuun lama filaaan ah, sida wararka nasoo gaaray sheegayaan

Cawke waxa uu ifka kaga tagay xaas iyo lix caruur ah.

Axmed Xasan Cawke ayaa lasoo shaqeeyey hay’ado warbaahineed oo ay ka mid yihiin  Radio Muqdisho, VOA Somalia, BBC somali iyo Taleefishinka Universal Tv..

Waxaa la filayaa in maanta lagu aaso magaalada Wajaale.

 Maal Magazine waxan halkan tacsiya tiiraanyo leh u diraynaa ehelkiisa, qaraabadiisa iyo dhamaan umadda soomaaliyeed. 

Wa Bilahi Towfiiq.

 

 

About The Author editor-in-chief

comments (0)

Your email address will not be published.

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>