Wasiirka Qorsheynta Qaranka, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamaal Maxamed Xasan oo wareysi siiyay saxaafada caalamiga.

Wasiir Jamaal ayaa wax laga weydiiyay sida ay dowladda ugu fududeyn karto qurbajoogta Soomaaliyeed in ay maalgashadaan dalka

ayaa sheegay in qurbajoogta ay muhiimad gaar ah leeyihiin oo wax soo saarka guud ee gudaha 50% ay tahay lacagaha dibada laga soo dira ee xawaaladaha la soo marsiiya

Kuwaasi oo loo isticmaalo kharashyada lagama maarmaanka u ah qoysaska Soomaaliyeed.

wasiirka ayaa xusay in qurbajoogta ay qeyb weyn ka tahay yareynta saboolnimada dalka Somalia.

wasiir Jamaal ayaa ka dhawaajiyay in dowlada tilaabooyin badan ay qaaday sida meel marinta sharciga la dagaalanka musuq-maasuqa, taasi oo kordhin doonta daah-furnaanta iyo isla xisaabtanka shirkadaha xawaaladaha iyo Bangiyada, taasi oo si weyn u dhiiragelin doonta maalgashiga qurbajoogta Soomaaliyeed.

Bangiyada Somalia ayaa sanadihii la soo dhaafay si weyn ugu xirmayay nidaamka maaliyadeed ee caalamiga ah.

About The Author editor-in-chief

comments (0)

Your email address will not be published.

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>