Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Md.Khaliif Cabdi Cumar, ayaa ka qeyb-galay munaasibad Baanka Dhexe ee Soomaaliya uu shirkadda Somtel ku guddoonsiinaayey ruqsadda Mobile Money(Licence) oo ahmiyad u leh sharciyaynta shirkadaha bixiya adeegan, xasilinta hab-maaliyadeedka waddanka iyo ilaalinta hantida macaamiisha iyo tan shirkadaha gaarka loo lee yahayba.

Wasiirka oo halkaas hadal ka jeediyey, ayaa wuxu ugu horeyn boggaadiyey shirkadda la siiyey ruqsadda.

Waxaana ay arrintani meesha ka saaraysaa nugaylka hannaanka maaliyadeed ee dalka sida maal-galinta argagaxisada, lacagaha la dhaqo iyo halista ka dhalata lacagaha aan nidaamsanayn. Sidoo kale wuxu carabka ku dhuftay in uu adeegani fudududeeyo ganacsiyada yar-yar oo ah laf-dhabarta dhaqaalaha bulshada Soomaaliyeed.

Credit: www.moci.gov.so

About The Author editor-in-chief

comments (0)

Your email address will not be published.

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>