Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cabriraxmaan Ducaale Beyle oo kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Turkiga mudane Lütfi Elvan ayaa sheegay in dalka Turkiga yahay saaxibka ugu muhiimsan horumarka Soomaaliya Dhinac walba.

Wasiirka ayaa qoraal oo uu bartiisa facebook ku baahiyay ayuu ku yiri..

Sharaf ayay ii tahay in aan la kulmay Mr Lütfi Elvan oo ah Wasiirka Maaliyadda Dowladda Turkey oo si hagar la’aan ah inoo garab istaagtay.

Wasiir Lütfi waxa aan ka wada hadalnay isbadalka iyo dib-u-habeynta Maaliyadda dalka, sidii hore loogu sii wada lahaa iyo taageerada Maaliyadeed ee Dowladda Turkiga.

Turkigu waa Saaxiib ka ugu muhiimsan horumarka Soomaaliya oo dhinac walbo leh.

Xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya ayaa soo maray guul weyn sanadihii la soo dhaafay, iyada oo qayb ka ah istiraatiijiyaddooda iskaashi, Turkigu wuxuu tababar siiyay saddex-meelood meel ciidamada militariga Soomaaliya oo lagu qiyaaso inay gaarayaan 20,000.

Ka sokow iskaashiga milatariga, labada dal ayaa iska kaashada caafimaadka iyo waxbarashada.

Xiriirka dhow ee dowladda Soomaaliya la leedahay dalka Turkiga ayaa waxa ay soo daadajisay in Soomaaliya mudo gaaban kusoo ceshato heybadeedii Ciidan Qaran.

About The Author editor-in-chief

comments (0)

Your email address will not be published.

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>