kaalinta ay kaga jiraan ganacsatada somaliyeed geeska afrika iyo qaaradaba?

Dadkeenu  waxay ganacsi balaaran ka wadaan dalka gudihiisa iyo dibadiisa, soomaaliyana waxay xudun u noqon kartaa dhaqdhaqaaqa ganacsi ee geeska Afrika iyo Qaarada guud ahaan, arinkaas oo u suurta gelinaya Soomaaliya in ay ka mid noqoto dalalka dhaqaale ahaan horumarsan, si arinkaas loo suurta geliyo xukumaddu waxey qaadeysaa talaabooyinka soo socda:-

Dhiirigelinta Ganacsi salka ku haya suuqa xorta ah,  Iyo Lahaanshaha gaarka ah.

U fududeynta gelitaanka ganacsiga gaar ahaan dhalinyarada aqoonta leh, iyo hirgelinta aragtiyadooda ganacsi iyo deyn siintaba.

Casriyeynta iyo dib u habeynta Wasaarada ganacsiga iyo warshadaha iyo Hay’addaha ku lugta leh ganacsiga gudaha sida Rugta ganacsiga.

Faafinta iyo Dhiirgelinta Waxbarashada iyo Xirfadaha la xiriira Ganacsiga sida Xisaabaadka, Dhaqaalaha, Suuqgeynta, maamulka, IWM.

Dhiirigelinta iyo gacan-qabashada ganacsatada yaryar iyadoo la siinayo Tababaro, Talooyin iyo Deyn si ay u hormariyaan ganacsigooda.

About The Author editor-in-chief

comments (0)

Your email address will not be published.

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>