Dalkeenu malaha warshado wax soosaar sida, in la warshadeeyo qudaarteena oo laga dhigo habka casriga ah ay dunidu u isticmaasho. Sida yaanyada, canbaha, muuska iwm.

oo gabigood ubaahan in la warshadeeyo si waqti dheer loo isticmaalo. Yaanyada waa lawarshadeeya dabeed la gasaceeya somaliduna utaqaana (yaanyo _shiishiid) cambaha waa la warshadeeya lagana dhigaa cabitaano aana is badeleyn, halka anagu aanan heysan warshad aan ku habeysano dalagii ka baxayay dhulkeena.

somalidu waxay xooga saarta ka ganacsiga hoteelada, oo dhismahooda ay ku baxda qarash aad u badan oo dhoor warshado Lagu dhisi Kari lahaa.

Ganacsatada Soomaaliyeed xooga ma saaraan iney warshado sameystaan dalagyada dalka hab casriya ka dhigaan oo ay dunida inteeda kale udhoofiyaan.

Dal burburay oo bulshadiisu shaqo la’aan ay heyso, maalqabeenka hotel ka dhisaya waa mid aan damiir wadaniyad ah lahayn. Dal burburay oo hotela Laga dhisaya halka warshada Laga dhisi lahaa waa Dhaqan curdun ku ah caalamka oo Soomaaliya u gaar ah.

About The Author editor-in-chief

comments (0)

Your email address will not be published.

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>