Baladweyne (Maal Magazine)- Doorashadan oo aheyd mid lagu dooranayay guddoomiyaha, ku xigeenka iyo xoghayaha rugta ganacsiga iyo warshadaha gobolka Hiiraan ayaa waxaa goob joog ka ahaa ganacsatada gobolka, xubno ka tirsan rugta ganacsiga Hirshabeelle, saraakiil ka tirsan ciidamada, odayaasha dhaqanka iyo qaar ka mid ah qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Baladweyne.

Ilaa afar musharax ayaa ku tartamay xilka guddoomiyaha rugta ganacsiga iyo warshadaha gobolka Hiiraan kuwaasoo kala ah Maxamed Ibraahim Goosaar, Nuur Cumar Cali, Maxamuud Maxamed Xassan iyo Cabdiraxmaan Garaad Saney, iyadoona xilka guddoomiyaha uu ku guuleystay Maxamed Ibraahim Goosaar, sida ay ku dhawaaqeen Cabdisalaan Geedi iyo Isaaq Xuuriye Maxamed oo ka mid ah guddiga doorashada rugta ganacsiga gobolka Hiiraan.

Xilka guddoomiye ku xigeenka rugta ganacsiga iyo warshadaha gobolka Hiiraan ayaa waxaa ku tartamay Maxamed Xassan Cumar iyo Yuusuf Xassan Ibraahim, waxana xilkan guddoomiye ku xigeenka ku guuleystay Yuusuf Xassan Ibraahim oo helay 22 cod, halka musharax la tartamayay uu helay 17 cod.

Xoghayah rugta ganacsiga iyo warshadaha gobalka Hiiraan ayaa waxaa sidoo kale ku tartamay Cismaan Aadan Ibraahim iyo Axmed Aadan Xassan, iyadoo xoghayaha uu ku guuleystay Axmed Aadan Xassan oo helay 22 cod halka musharax la tartamayay uu helay 17 cod.

Guddoomiye ku xigeenka rugta ganacsiga iyo warshadaha Hirshabelle Xaliimo Sheekh Cabdulahi Fiidow, guddoomiyaha guddiga fatahaada gobolka Hiiraan Cismaan dhagaxow Haruun, guddoomiyaha dhalinyarada Hirshabeelle Maxamed Cabdulahi Buraale, Col Cali dhuux Cabdi Mahad Alle iyo guddoomiyaha dhalinyarada gobolka Hiiraan Faarax Cabdi Cali ayaa si wada jir ah u bogaadiyay doorashadan.

Guddoomiyaha cusub ee rugta ganacsiga gobolka Hiiraan Maxamed Ibraahim

Goosaar ayaa sheegay in xilkan uu ka soo dhalaali doono.

About The Author editor-in-chief

comments (0)

Your email address will not be published.

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>