Sanadka 2018-ka Soomaaliya Horumar dhinaca teknoolajiyadda ayey ku tilaabsatay, mudo afartan sana kadib ayaa waxaa magaalada caasimadda Muqdisho lagu soo bandhigay carwada Isgaarsiinta iyo teknoolajiyadda.

Wasiirka Wasaaradda isgaarsiinta iyo teknoolajiyadda Cabdi Canshuur Xasan ayaa hirgeliyay Barnaamijka ictexpoSomalia oo ay kasoo qeyb galeen in ka badan 500 injineero, shaqaalle suuqgeynta shirkadaha teknoolajiyadda iyo kuwa hogaamiya (project managers) wasiirkuna uu gudoonsiiyay abaal marino.

Bandhiga Carwada teknoolajiyada ayaa si weyn u dhiiragelisay bulshada iyo shirkadaha teknoolajiyada waxaana kobcay shaqaaleysiinta bulshada Soomaaliyeed ee xirfadaha sare u leh teknoolajiyada.

Kordhinta shaqaalaha ee shirkadaha teknoolajiyada Soomaaliya waxaa suurtagal ka dhigay bandhiga Carwada oo isku keentay Bulshada Soomaaliyeed ee xirfadaha sare leh iyo shirkadaha dalka ka hawlgala oo markoodi hore dalka dibadiisa shaqaalle u raadsan jiray.

Shirkadaha teknoolajiyada ee Soomaaliya ayaa xarumahooda usoo raraya magaaloyinka Dalka sida Caasimadda Muqdisho, Kismaayo, Jowhar, Garoowe iyo Hargeisa kuwaasi oo badankoodu dalka dibadiisa siiba wadama deriska ah kulahaa xarumaha muhiimka ah ee madaxda shirkadaha fadhiisin u ahayd.

Sanadka 2019 waxaa la filaya in maalgashiga ugu weyn ee dalka uu noqon doona dhinaca teknoolajiyada Sida websiteyada iibgeynta qadka (ecommerce) apps-ka iwm.. waxayna u muuqataa in injineero Soomaaliyeed ee dalka dibadiisa kusoo bartay xirfadaha sare ee teknoolajiyada ay keeni doonaan barnaamijya hal abuur la tartami doona shirkadaha teknoolajiyada caalamka ugu waaweyn.

About The Author editor-in-chief

comments (0)

Your email address will not be published.

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>