Wasiirka maaliyada Soomaaliya C/raxman Ducaale Bayle iyo agaasimaha Bankiga aduunka ee bariga Afrika Bella Bird ayaa magaalada Muqdisho ku kala saxiixday 80 milyankii ee qaybtii hore mashruca B.A dowladda Soomaaliya ka balan qaaday hadii ay soo buuxiso sharuudaha ay hordhigtay Xukuumada Madaxweyne Farmaajo.

Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa si hufan ugu soo dhalaashay dhamaan Sharuudaha Bankiga aduunka uu ku xeray dowladda soomaaliya, waa tilaabo weyn uu dalka ku tilaabsaday Soona daadajinaysa deyn-cafinta iyo daabicidda lacagta cusub ee Soomaaliya.

Wasiir bayle ayaa sheegay in heshiishka Bankiga aduunka iyo heshiisyadii dhawaan midawga Yurub iyo Soomaaliya ay kala saxiixdeen ay ka turjumayso inay Soomaaliya dib ula fal-gashay caalamka kasbatayna kalsoonida hay’addaha caalamiga iyo dowladaha ugu dhaqaalaha weyn dunida, Maalgashatada Shisheeye & Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka debidiisa.

 

About The Author editor-in-chief

comments (0)

Your email address will not be published.

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>