Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya ayaa ka waramay shirka ganacsiga Africa iyo Turkiga.
Wasiirka ayaa sheegay in ganacsato Soomaaliyeed ay Suuq ugu heleen dalka Turkiga dhoofinta liin dhanaanta Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa dabcisay sharciyada dhoofinta wax soo saarka dalka si loo xoojiyo wax dhoofinta dalka loona yareeyo soo dejinta, iyo Joojinta canhsuurta laga qaado Badeecadaha la dhoofiyo. Wasiirka ayaa la kulmay dhigiisa dowladda Turkey Marwo Ruhsar Pekcan.
comments (0)