Xaawo Nuur Hiraabe hooyo ka mid ah labada hooyo ee ku sawiran kunka shilin ayaa sanadkaan 2015ka ku geeriyootay Muqdisho Xaawo Nuur Hiraabe hooyo ka mid ah labada hooyo ee ku sawiran kunka shilin ee lacagta Somalia
Xaawo Nuur Hiraabe ayaa ku xanuunsaneed magaalada Muqdisho bilihii lasoo dhaafay mana aaney helin taageeradii ay ka mudneyd Dowlada Somalia iyo calaamka intaba.
Xaawo ayaa ugu dambeyn sanadkaan ku geeriyootay isbitaalka Keedsaney ee magaalada Muqdisho.
Xasan Jimcaale oo ay qaraabo yihiin ayaa saxaafada u xaqiijiyay geerideeda waxaana uu sheegay in Dowladda Somalia aaney wax garab ah siinin intii ay xanuunsaneed.
Kunka shilin ee hada la isticmaalo waxaa ku sawiran labo haween ah oo mid ay toleyso Sali midna Darin, Mida taloleysa dambiisha waa Xaawo Nuur Hiraabe oo sanadkaan 2015ka dhimatay.
Haweeneyda kale waa Faadumo Xirsi oo iyaduna horey u geeriyootay Allah ha unaxariste.
comments (0)