Barashada taariikhda lacagta laga isticmaali jirey dalkeena waa muhiim, waayo waa muraayad laga daalacan karo taariikhda dalka, xiriirkuu la lahaan jirey adduunka intiisa kale, iyo nidaamyadii maamul ee uu soo maray.

Waxa kale oo ay wax ka tilmaameysaa sida lacagtu ay u shaqayso. aan u qeybino afar qaybood oo ku aadan afar xilli oo nidaamyo lacageed oo kala duwan lagu isticmaalayey kuwaasoo kala ah. 1.-Gumeeysiga ka hor 2.- xilligii gumeeysiga 3.- xilligii xorriyada iyo dowladnimada Soomaaliya soo maray iyo 4.-xilligii burburkii ka dambeeyey.

Gumeeysiga kahor:-

Gumaysiga ka hor, waxaa Soomaaliya ka socon jirtey lacag loo yiqiin Maria Theresa Thaler. Lacagtaas waxaa loogu magac daray boqoraddii Imbaradooriyadda Austria, Maria Theresa, oo iyadu lacagtaas soo saartay sanadkii 1741.

Magaca lacagtu waa Thaler’kii Maria Theresa. Ereyga (thaler) ayaa waagii dambe isu rogey (Dollar) ka dib markii dhawaaqiisu isbeddelay oo la Ingiriisiyeeyey.

Waana halkaas meesha uu ka soo jeedo magaca “Dollar” ee hadda adduunka caanka ku ah. Lacagtaasi waxay ahayd lacag cadadi ah (coin) oo ka samaysnayd qalin (silver).

Waxaa la yaab lahaa sida lacagtaasi caanka ugu noqotay adduunka oo u kasbatay sumcad. Waxay si gaar ah ugu faaftay oo rasmi ahaan uga dhaqan gashay dalalka Carabta iyo dalalka Afrika qaarkood , siiba Itoobiya iyo Soomaaliya.

Soomaaliya waxay ka soo gashay dhanka Carabta, Carabtana waxay uga timid xagga Imbaradooriyaddii Turkiga, oo xiriir ganacsi la lahaa Austria. Carabtu waxay u tiqiin lacagtaas “Riyaal Namsaawi” ama Riyaalkii Austria.

Xitaa markii boqoraddii Maria Theresa dhimatay sanadkii 1780, lacagtaas daabacaadeeda lama joojin ee waxaa la soo saarayey iyadoo wadata taariikhda 1780 ilaa waa dambe.

Lacagtaas sumcaddeeda waxaa ka faa’iideeystay gumeestayaashii Ingiriiska iyo Talyaaniga oo sida la leeyahay, lacag badan oo Maria Theresa Thaler ah iskood u daabacday si ay u maalgeliyaan danahooda gumaysi.

Lacag kaloo Soomaaliya ka socon jirtey, gumaysiga ka hor, waa Rubiyadda Hindiya “Indian Rupee” oo ka shaqayn jirtey xeebaha Soomaaliya, Waqooyi, Ogaden iyo Koonfurba.

Rubiyad la soo saaray 1862 ayaa waxaa ku sawiran boqoraddii caanka ahayd ee Victoria. Erayga Rupee ama Rupiya micnihiisu waa qalin (silver) markii laga tarjumo afka Sankrist oo ka mid ah afafka Hindiya.

Xeebaha Soomaaliya badi waxay uga imaanaysey xagga Khaliijka Carabta ooy ka socotay illaa 1959. Rubiyadda markii ugu horraysay waxaa soo saaray boqortooyadii Mughal ee bartamaha Hindiya qarnigii 16aad.

Rubiyadda qalinka ah ka sakow, wuxuu soo saaray xaashilacageed (banknote) Rubiyad ah oo qiimooyin kala duwan leh.

Waxaa kaloo xeebaha Banaadir iyo Kismaayo ka socon jirey lacag qadaadiic ah oo Cummaani ah (omani Biaza),halkii Maria Theresa Thaler wuxuu la mid ahaa 230 Biaza Cummaani ah. Waxaa xusid mudan in xeebaha Banaadir uu xukumay boqorka Zanzibar oo isaguna ka yimid Cummaan.

Xeebaha Waqooyi ee Seeylac iyo Barbara waxaa iyana ka socon jirey lacag qadaadiic ah oo qurushta Masar ah. Masar waxay iyaduna xukuntay xeebahaas.

Xilligii Gumeysiga:-

Ingiriiska waa u sahlanaatay inuu durbadiiba hab lacageed u sameeyo Gobollada waqooyi, laakiinse Talyaaniga uma fududaan arritaasi, wuxuuna soo maray tijaabooyin uu qaar ku guuldarreystay.

Xoriyadda/Dowladnimada:-

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya waxaa yiilay namuunado (samples) ee lacagahaas aan kor ku xusay iyo kuwii ka dambeeyey oo taariikhahaan loo keydiyey.

Waxay ila tahay inaynaan isweeydiinayn meesha ay hadda mareen. Waxay ka mid noqdeen hantidii iyo taariikhdii Soomaaliyeed ee la bililiqeeystay. xilligii xorriyadda dalka Soomaaliya waxaa laga isticmaalayey lacag shillin Somali ah oo soo martay heerar kala duwan, taasoo aheyd mid ka qaalisan lagacaha ay lahaayeen waddamada deriska la ah dalka Soomaaliya 1991-kii ka hor.

Burburkii Shillin Somaliga:-

Sanadkii 1996-dii ayaa la tilmaamay in meelo ka mid ah Soomaaliya si gaar ah Muqdisho lagu arkay tilmaamaha lacago cusub si gaar ah kunka Shilin, halka sanadkii 2001-di si rasmi ah konfurta Soomaaliya ay uga joogsatay isticmaalka lacagta 500 , halka Magaalada Gaalkacyo iyo deegaanada ku dhow la sheegay in laga adeegsado.

Waxaase Maamulka la magac baxay Somaliland laga isticmaalaa Lacago loogu yeeray Shilinka Somaliland , inkastoo maamulkaasi aanu Caalamka aqoonsan.

Lacagta Soomaaliya hadda waxaa u weyn uguna yar kunka Shillin oo ah adeegga koowaad ee dadku ay wax ku iibsadaan . Soomaaliya qaran burburkii kadib waxaa horumar ku talaabsaday ganacsigii meelaha qaarkood.

About The Author editor-in-chief

comments (0)

Your email address will not be published.

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>